CIIDAMADA DOWLADDA & KUWA GALMUDUG OO XARADHEERE KALA WAREEGAY AL-SHABAAB

HomeWararka

CIIDAMADA DOWLADDA & KUWA GALMUDUG OO XARADHEERE KALA WAREEGAY AL-SHABAAB

Ciidamada xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug ayaa saaka gaaray deegaanada Miliqo, Dabagalo,Ceel-Cabdi iyo kuwa kale oo hoostaga degmada Xaradheere

Gaalkacyo iyo Dil Kale, Camay Kabacdi
Xulashada Daljir & Deeqo Ladan, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Siyaasiyiin Garoowe Kaga Dhawaaqay Madasha Samatabixinta Puntland (dhegayso)

Ciidamada xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug ayaa saaka gaaray deegaanada Miliqo, Dabagalo,Ceel-Cabdi iyo kuwa kale oo hoostaga degmada Xaradheere ee gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidanka hogaamineysa ayaa u sheegay Warbaahinta in ciidanku uu ku sii jeedo Xaradheere,halkaas oo kooxaha Al-shabaab ah ay bilaabeen inay iskaga baxaan.

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa sheegtay in Kooxda miina-baarka ciidamada qalabka sida ee dagaalka kula jira AlAl-Shabaab deegaanno dhaca koofurta Mudug ayaa ku guulaystay in ay saaraan maanta miinooyon Shabaab ay ku aaseen wadooyinka gala Shebeelow oo dhibaato ay ku qabeen shacabka halkaas ku dhaqan iyo kuwa socotada ah ee isticmaali jiray wadooyinkaas.

Kooxda miina-baarka ciidamada huwanta ah ee aagga Shabeeelow ayaa hawlgal ay sameeyeen maanta ku guulaystay saarista laba miino oo kuwa gaadiidka lagu qarxiyo ah, ayadoo ay weli sii wadaan hawlaha miina-baarista iyo saaristu.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: