Ciidamada Booliiska oo gacanta ku soo dhigay eedeesane fakad ahaa

HomeWararka

Ciidamada Booliiska oo gacanta ku soo dhigay eedeesane fakad ahaa

Taliska Qeybta Guud ee Boliiska gobalka Banaadir, ayaa sheegay in ciidamada Boliiska ee ka howlgala Saldhigga degmada Howlwadaag, ay gacanta ku soo dh

Waraysi xiiso leh & Guddoomiyaha Awdal Land State & kacdoon horleh oo ka dhan ah Somaliland
MUQDISHO: Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir oo ku guulaystay inay gacanta kusoo dhigan ragg dilaal.
Dibadbax ka socda Muqdisho

Taliska Qeybta Guud ee Boliiska gobalka Banaadir, ayaa sheegay in ciidamada Boliiska ee ka howlgala Saldhigga degmada Howlwadaag, ay gacanta ku soo dhigeen nin dhaawac culus magaalada Muqdisho ugu geestay nin kale oo ay dagaalameen.

Boliiska gobalka Banaadir, ayaa sheegay in ciidamada ay qabteen eedeesane Cabdi xamiid Cabdi raxmaan Cabdullahi, oo la sheegay inuu toorey dhoor meel ugu dhuftay si xuna ugu dhaawacay nin lagu magacaabo Cabdi Qaasim Cabdi, oo uu dhex maray gacan ka hadal.

Taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa sidokale, sheegay in eedeesanaha loo gudbinaya Sharciga, halka dhibanaha ay siiyeen warqadii dhaawac muujinta.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: