Dibadbax ka socda Muqdisho

Dibadbax ka socda Muqdisho

Darawalada kaxeysa Gaadiidka Dadweynaha ay raacaan ee loo yaqaan Bl-ka ee ka Shaqeeya Magalada Muqdisho ayaa Maanta dhigay banaan bax ay uga cabanayaan lacago dheeri ah oo ay sheegeen in uu kusoo rogay maamulka gobolka Banaadir .

Darawalada banaan baxa dhigayay ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegeen in ay dhibaatooyin ku qabeen markii hore wadooyinka xiran hadana uu maamulka gobalka banaadir ugu siidaray lacago xad dhaaf ah oo laga doonaayo in ay dhiibaan , kuwaasoo laga joojiyay markii Wadooyinka la xiray.

Waxa ay sheegeen gadiidleeydaani in aysan awoodin in ay bixiyaan lacagaha lagu soo rogay balse ay diyaar u yihiin in ay bixiyaan canshuurta hadii wadooyinka loo furo.

Banaanbaxyadaan ayaa sigaar ah uga socda Isgoysyada Afarta Darjiin, Fagax iyo Towfiiq.

Sidoo kale waxa ay sheegeen lacagta lagu soo rogay oo ah 2 doollar taas oo markii hore laga qaadi jiray balse laga joojiyay markii wadooyinka la xeray balse hadda, iyada oo aan lafurin wadooyinka dib loogu soo celiyay .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0