Madaxweyne Deni oo sheegay in la soo afjaray khilaafkii maamulkiisa

HomeWararka

Madaxweyne Deni oo sheegay in la soo afjaray khilaafkii maamulkiisa

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Khubad u jeediyay Goleyaasha kala duwan ee Puntland, Waxaana uu sheegay in bog cusub oo dhanka Siya

Mareykanka oo muwaadiniintiisa uga digay inay u safraan Kenya
Bannaanbaxa ganacsatada kalluunka Boosaaso
MARTISOOR & Nabadoon Xarrago oo u warramay Daljir: “Oday dhaqameedka kuma wayna soo xulitaanka xubnaha baarlamaanka”

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Khubad u jeediyay Goleyaasha kala duwan ee Puntland, Waxaana uu sheegay in bog cusub oo dhanka Siyaasadda ah uu maamulka u bilaaban doono.

Madaxweynaha ayaa sheegay in lasoo afjaray Khilaafkii maamulkiisa harreeyay ku dhawaad halkii sano ee uu ka shaqeynaayay degaanada maamulka Puntland.

Waxaa uu sheegay in dhammaan Khilaafyadii jiray xaliyay sidda Cabshadda beelaha iyo qaar ka mid ah xildhibaanada maamulka oo si weyn uga soo horjeeday maamulkiisa.

Waxaa uu xusay in xoojinta wada shaqeynta Goleyaasha Dowladda, uuna hordhac u yahay kulamo wadashaqeyn oo joogto noqon doona, si loo gaaro horumarka Puntland iyo in dadka la gaarsiiyo adeeygada dowliga ah ee asaasiga ah.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa dhankiisa sheegay in uu la shaqeyn doono Madaxweynaha iyo baarlamaanka, islamarkaana wixii dhacay ku dhawaad halkii sano ee lasoo dhaafay la xaliyay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: