Ciidamada ATMIS oo howlgal miino baaris ah ka sameeyay duleedka Kismaayo

HomeWararka

Ciidamada ATMIS oo howlgal miino baaris ah ka sameeyay duleedka Kismaayo

Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa howlgallo baaritaano ah ka sameeyay duleedka magaalada Kismaayo ee Gobolka Jub

Xulashada Daljir & Axmed Nadiif, Daljir Garoowe (dhegayso)
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafti Uu Hogaaminayo oo Gaarey Uganda
Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Boosaaso (dhegayso)

Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa howlgallo baaritaano ah ka sameeyay duleedka magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo dhowr jeer dad Shacab ah ay miino kula qaraxday, isla markaana dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen.

Howlgalka ayaa ujeedka ugu weyn ee Ciidamada ATMIS waxaa uu ahaa sidii ay u soo saari lahaayeen walxaha qarxa, kuwaasi oo ku aasan Waddooyinka Muhiimka si aysan khasaaro uga soo gaarin dadka Shacab ah.

War kasoo baxay howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay inay soo saareen miinoo dhowr ah oo Al-Shabaab ay waddooyinka ku Aaseen sia y dadka ugu dhibaateeyaan.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in Ciidamada ATMIS intii ay ku guda jireen howlgalka ay si naabd ah u qarxiyeen miinooyinkii ay waddooyinka kasoo saareen, sida ay Risaala u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

“ ATMIS iyo ciidamada xoogga dalka waxay xoojiyeen awoodaha la-dagaallanka qaraxyada oo ay ku jiraan awoodda lagu dabaqi karo inay dhacaan qaraxyo, iyaga oo markiiba sameeya ka hortag ayaa lagu yiri” War kasoo baxay ATMIS.

Degaannada kuyaalla duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo miino oo qabsaday gawaari ay saarnaayeen dad Shacab ah, waxaana ka dhashay khasaaro isuu jiray dhimasho iyo dhaawac.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: