Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafti Uu Hogaaminayo oo Gaarey Uganda

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafti Uu Hogaaminayo oo Gaarey Uganda

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.

Booqashadan ayaa ka dambeysay kaddib markii uu casuumaad rasmi ah uu ka heley dhigiisa Uganda Yoweri Museveni.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda oo booqashada ay qaadan doono muddo labo cisho ah ayaa inta uu ku sugan Uganda, waxa uu kulan la qaadan doonaan dhigiisa Dalka Uganda Yoweri Museveni.

Waa markii ugu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu booqasho ku tago dalka Uganda tan iyo markii xilka loo doortay afar bilood ka hor, waxaana xusid mudan in Ugandha ay tahay dalka ciidamada ugu badan ku leh howlgalka Midowga afrika uu ka wado Somalia ee AMISOM.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com