Ciidamada AMISOM oo isaga baxay degmadda Afgooye

HomeWararka

Ciidamada AMISOM oo isaga baxay degmadda Afgooye

Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ee muddo dheer ku sugnaa gudaha magaalada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa maanta ka guuray iyadoo saldhigyadii ay ka

Wasiir Dhabancad: “Wasaradaha qaar dadki hore oo bilaash ku shaqeynaya ayaa qof indho garasho ama”
Bola Tinubu ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimada Dalka Nigeria
HADAL JEEDINTII AQOONYAHAN SHOORTAAYE EE CAANOSHUBKII NABADOON MAXAMED XIRSI FAARAX

Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ee muddo dheer ku sugnaa gudaha magaalada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa maanta ka guuray iyadoo saldhigyadii ay ka joogeen magaaladana ay la wareegeen ciidamada milatariga Soomaaliyeed.

Munaasabad ay ku wareejinayeen xeryaha ciidamada magaalada Afgoye ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil uu kamid yahay taliyaha ciidanka dhulka, janaraal Maxamed Tahliil Biixi, ku xigeenka taliyaha AMISOM, taliyaha qeybta 12 Abrill ee xoogga dalka, guddoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose iyo mas’uuliyiin kale.

Taliyaha ciidanka dhulka Janaraal Tahliil ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in maanta ay AMISOM kala wareegaan amniga degmada Afgooye, isagoo AMISOM ugu mahad celiyay gacantii ay ku laaheeyn sugidda ammaanka Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: