Ciidamada AMISOM oo dil iyo dhaawac ka geystey degmada Mahaday

HomeWararka

Ciidamada AMISOM oo dil iyo dhaawac ka geystey degmada Mahaday

Wararka ka imanaya degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee ka howlgala degmadaas ay ku dileen hal ruux oo rayid ah mi

Xaaladda Baydhabo
William Ruto oo shaqo-joojin ku sameeyay afar ka mid ah guddiga doorashada Kenya iyo Raila Odinga oo ka horyimid
Dad ay Soomaali ku jiraan oo laga soo musaafurinayo dalka Canada

Wararka ka imanaya degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee ka howlgala degmadaas ay ku dileen hal ruux oo rayid ah mid kalana ku dhaawaceen kadib markii ay miino la qaraxday mid kamid ah gaadiidka AMISOM.

Gaarigan miinada la qaraxday ayaa marayay duleedka Deegaanka Buurane,waxana ciidamada AMISOM ay rasaas ku fureen dad xoolo dhaqato ah oo marayay meel aan ka fogeyn iyadoo rasaastaasina hal ruux uu ku geeriyooday halka mid kalana dhaawac culus uu ka soo gaaray.

Sida ay sheegayaan dadka ku nool degmada Mahaday ayaa dhibaato ku qaba ciidamada AMISOM gaar ahaan xilliyada ay la kulmaan miino dhulka lagu aasay.

Hore ayay ciidamada AMISOM dad ugu dileen halka kuwa kalana ugu dhaawaceen deegaano ka tirsan degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: