Siyaasi Cabdrashiid Xaashi Dhuubane oo su’aal waydiintii Xildhibaan Cawil Daad ee Madaxweyne Deni ku tilmaamey sharcidarro dano kale u adeegaya (dhegayso | daawo)

HomeWararka

Siyaasi Cabdrashiid Xaashi Dhuubane oo su’aal waydiintii Xildhibaan Cawil Daad ee Madaxweyne Deni ku tilmaamey sharcidarro dano kale u adeegaya (dhegayso | daawo)

Siyaasi Cabdirashiid Xaashi Dhuubane oo horay u soo noqday Guddoomiye gobolka Mudug iyo la-taliye madaxweyne ayaa beenabuur ku tilmaamay ujeedadii ay

Caawa & Daljir iyo Cabdirisaaq Faamoos, Daljir Bosaaso (dhegayso)
SAAKA & DUNIDA | cXakiin Xuseen Xasan | Daljir Garoowe
Caare oo weerar khasaare gaystay ku qaaday ciidamada Soomaaliland

Siyaasi Cabdirashiid Xaashi Dhuubane oo horay u soo noqday Guddoomiye gobolka Mudug iyo la-taliye madaxweyne ayaa beenabuur ku tilmaamay ujeedadii ay xabaarsanayd su’aal uu waydiiyey madaxweynaha Puntland mudane kamid ah Baarlamaanka oo lagu magacaabo Cawil Xasan Daad.

Dhuubane ayaa sheegay waydiintaasi in ay ka turjumaysay wax aan ka jirin Puntland, ayna ka muuqatay dano gaar ahaaneed oo u adeegaya wax ka badan Puntland, waa sida uu hadalka u yiriye.

Dhuubane wuxuu intaasi ku daray in ay jiraan dad loo soo dhexmaray Puntland, ayna ku jiraan mudanayaal Baarlamaanka Puntland ah, kuwaasi oo sida uu xusay u golleh burburinta Puntland.

Cabdifataax Cumar Geeddi oo wareystay Dhuubane ayaa marka hore waydiiyey aragtidiisa ku saabsan fadhigii Baarlamaanka Puntland ee maanta furmay.

Hoos kaga bogo.

Hoos ka daawo.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • Abdi Mohamed 5 years ago

    kkk war Dhuubane isagoo caraqda Ethiopia ka keena oo dhilooyinka iibshaan ogayne goormuu inuu hadlo gaaray

DISQUS: