Cabdisalaam Xaaji Ismaaciil iyo xubintii siyaasadda maanta iyo Soomaaliya (dhegayso)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Cabdisalaam Xaaji Ismaaciil iyo xubintii siyaasadda maanta iyo Soomaaliya (dhegayso)

Siyaasadda Maanta iyo Soomaaliya waa xubin aan ku fallaanqeyno siyaasadaha is hardinaya, kala maanka ah, kalana ujeedada ah ee lala beegsanayo dalka S

Maxaad ka taqaan ciidamada ‘Puntland Security Force (PSF)’ ee Mareykanku maalgaliyo? (dhegayso)
Ha Yaabin, Argagixisadu waa Laan Siyaasadda Dibadda ee Dalalka Qaar!
Berri & Baraha Bulshada (3B): Maanta Yaan Dowladnimo Rabin?

Siyaasadda Maanta iyo Soomaaliya waa xubin aan ku fallaanqeyno siyaasadaha is hardinaya, kala maanka ah, kalana ujeedada ah ee lala beegsanayo dalka Soomaaliya, ujeeddooyinka laga leeyahayna ay badankoodu isugu soo ururayaan dano dhaqaalaha iyo kali maamulka kheyraadka dalka.

Xubintan waxaan kale oo ku fallaanqeyn doonnaa sida looga hortagi karo, loona burin karo ujeeddooyinkaas kala duwan ee dalalka shisheeye, daris, daris fog, iyo adduunka intiisa kale. Waxaan kale oo ku eegi doonnaa siyaabaha iyo siyaasadaha kala duwan, kuwo dahsoon iyo kuwa kaleba, ee hoggaanka dalka Soomaaliya uu kaga hortagayo xadgudubyada lala beegsadey dalka.

Cabdisalaan Xaaji Ismaaciil ayaa maanta falaanqeynaya xiisadda darbiga Beled Xaawo iyo ujeeddooyinka dhaqaale ee ay ka leeyihiin shirkadaha ajnabi ee gadaal ka riixiya dhismaha darbi u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Hoos ka dhegayso oo kaga bogo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: