Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo booqday Xerooyinka Barakacayaasha Garoowe

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo booqday Xerooyinka Barakacayaasha Garoowe

Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha iyo arrimiha bini’aadannimada Cabdiraxman Cabdishakur Warsame ayaa kormeer ku tegey xerada ay ku nool yihiin dadka Barakacayaasha ah ee Magaalada Garoowe.

Ergeyga oo ay wehliyeen madax ka kala socotay golaha wasiirrada, maamulka gobolka iyo dowladda hoose oo ay ka mid ah ahaayeen wasiirka Gargaarka, Goddoomiyaha Gobolka iyo Xoghayaha Dowladda Hoose ayaa indho indheyn ka sokoow si hoose u xaal-wareystay guddiga kaamka iyo qaar ka mid ah qoysaska halkaas kusoo barakacay.

Guddiga kaamka iyo qoysaska oo si isku mid ah maamulka ugu ammaanay amniga ayaa waxa ay si isku mid ah uga cawdeen cunna yari daran iyo gargaar la’aan iyaga oo codsadey in kaalmo lalasoo gaaro.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com