Cabdiraxmaan Cabdishakuur: “Farmaajo shirqool kale ayuu abaabulaya

HomeWararka

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: “Farmaajo shirqool kale ayuu abaabulaya

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble inuu si dhaqso ah u gudo galo howlaha shirka doorashooyinka uuna ciidanka kala qeybs

Daacuun ka Dillaacay Balanballe
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
WAXGARADKA DEGAANKA QORMO BUURCAD EE GOBOLKA KAR-KAAR WELI SUGAYA BALANQAADKII XUKUUMADDA DENI

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble inuu si dhaqso ah u gudo galo howlaha shirka doorashooyinka uuna ciidanka kala qeybsan midooyo.

Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u qornaa sidan;

Farmaajo xalay fursad uu shacabka Soomaaliyeed ku macsalaameeyo ayaa dhaaftay. Hadalkiisu micno yari, aflagaaddo iyo ixtiraam la’aan ayuu isugu jiray. Waa nin shirqool horleh la soo maleegaya Mursal iyo 54-tii xildhibaan ee muddo kordhinta xaaraanta ah kala shaqeysay.

Waa kala goyskii isaga iyo Mursal ay Kheyre ku shirqooleen. Xilliga iyo xaalkuba waa kala beddelan yahay, laakiin waallida kalitalisnimo ee Farmaajo mid dhaqanta maaha. Waxaan uga digaynaa 54ta xildhibaan ee Sabtiga la balamiyey in aysan fidno kale ka sii shaqaynin.

Rooble waa in uu tillaabada la hormaraa oo uu hoggaanka qaataa, casuumadda shirka fidiyaa, oo uu saamileyda ballaariyaa, ciidanka kala qaybsanna isku soo celiyaa, amniga dalka iyo doorashooyinka la wareegaa, dawlad Goboleedyada garabka ku qabtaa, taageerada beesha caalamka kasbadaa. Go’aan sax oo aan xilligiisa laga daahin ayaa laga rabaa.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: