Muuse Bixii oo ka hadlay xaaladda Muqdisho

Muuse Bixii oo ka hadlay xaaladda Muqdisho

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadlay qalalaasaha sababay gacan ka hadalka ee ka dhacay Magaalada Muqdisjo, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo muwa Millateri ah ee kasoo horjeeda muddo kordhinta.

Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay inay ka maamul ahaan ka damqanayaan dhibaatada iyo qaxa ka jira Magaalada Muqdisho, islamarkaana ay qaddarin iyo ixtiraam badan u hayaan shacabka, balse ay is hayaan siyaasiyiinta iyo hoggaamiyayaal diiddan qarannimada Somaliland.

“Dawladda Xamar ka dhisani dhibaatada ay u geysatay dadka xamar jooga iyo dhibaatada iyo qaxa ay gelisay aad iyo aad baannu uga damqanaynaa, Soomaaliya maamulka dadka hoggaamiya iyo siyaasiyiinta tallo xumadoodaannu is haynnaaye shacbiga walaalahayaga Soomaaliya marna dhibaato lama rabno, haddaannu haynona waa u gurman lahayn, markay dhibaato dhacdana waannu u gurmannaa ayuu yiri” Muuse Biixi.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray inay aad uga walaacsan yihiin in dib dagaal uga bilaabo Magaalada Muqdisho, waxaana uu ku eedeeyay eedaas Madaxda hoggaanka haysa oo uu sheegayin, iyada oo waqtigeedii dhammaaday damacday inaanay dadkii dhegaysan.”

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com