Cabdikareen Xuseen Guleed oo Fariin u diray Madaxda Ahlusunna

HomeWararka

Cabdikareen Xuseen Guleed oo Fariin u diray Madaxda Ahlusunna

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdi kariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay Xaalada Qalafsan ee ka taagan degaanada maamulka Galmudug ee ka dha

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Maraykanka oo ka wada hadlay xaaladda Suuriya
(Aragti): Waa kuma musharaxa ugu saamaynta badan ee baraha bulshada?
Cudurka Covid-19 oo sii laba kaclayeey

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdi kariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay Xaalada Qalafsan ee ka taagan degaanada maamulka Galmudug ee ka dhashay doorashadda baarlamaanka iyo Hoggaanka maamulkaasi.

Waxaa uu ugu baaqay Culumadiinta Ahlusunna in ay ka mid noqdaan maamulka laga dhisaayo Dhuusamareeb, islamarkaana markale aysan u horseedin Khilaaf iyo labo maamul.

War uu saaray Guuleed ayaan siddaan u qornaa:

Waxaan soo dhaweynayaa bogaadinayaana muddo kordhinta ay gudoonka Baarlamaanka ee Galmudug xiligii doorashada ku sameeyeen, si dadaalada wadahal iyo wax isku soo jiid fursad loo siiyo.

Waxaana ku boorinayaa gudoonka Baarlamaanka inay dadaal weyn ku bixiyaan qancinta dhinacyada kala duwan, gaar ahaan culumada Ahlu Sunna.
Dhanka kale waxaan culumada Ahlu Sunna ku boorin lahaa inay u turaan una tanaasulaan bulshada reer Galmudug oo aan muddo intaan ka badan maamul la,aan sii ahaan karin.

Waxaana ka loo culumada Ahlu Sunna ku boorin lahaa inay ogaadaan in la gaaray xiligii ay gali lahaayeen kuna milmi lahaayeen nidaamka dowladnimo ee Galmudug, ayagoo garwaaqsanaya inaysan dhici karin sii jirista nidaam siyaasadeed, maamul iyo ciidan oo hareer socda midaamka dowladeed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: