Cabdi Cali Raage” Wakiilkeygii ololaha doorashada ee Kismaayo waa la xiray si loo soo musaafuriyo”

Cabdi Cali Raage” Wakiilkeygii ololaha doorashada ee Kismaayo waa la xiray si loo soo musaafuriyo”

La-Taliyaha dhanka Arrimaha doorashooyinka ee Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Cabdi Cali Raage ayaa sheegay in Wakiilkiisa ololaha Doorashada ee Kismaayo ay xalay xabsiga dhigeen Ciidamada Ammaanka Magaalada Kismaayo.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Maanta la geeyay Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo si looga soo musaafuriyo Magaalada Muqdisho.

” Waa kaaf iyo kala dheeri iyo nasiib daro in qof aan danbi galin gurigiisa laga tarxiilo oo lagu bartilmaameedsado kaliya cida uu taageersanyahay siyaasad’ahaan ayuu yiri” Cabdi Cali Raage.

Halkan ka Akhriso.

War degdega oo iga soo gaarey Kismayo ayaa la iigu xaqiijiyey in wakiilkaygii kismaayo ee ololaha doorashada hada la keenay airport-ka si loogu masaafuriyo Magaalada muqdisho
kadib markii uu xalay ku baryey xabsiga.

Waa kaaf iyo kala dheeri iyo nasiib daro in qof aan danbi galin gurigiisa laga tarxiilo oo lagu bartilmaameedsado kaliya cida uu taageersanyahay siyaasad’ahaan

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com