Boqorada dalka Ingiriiska Queen Elizabeth oo geeriyootay

HomeWararka

Boqorada dalka Ingiriiska Queen Elizabeth oo geeriyootay

Boqorada dalka Ingiriiska Queen Elizabeth II, ayaa ku geeriyootay magaalada Balmoral iyadoo da’deedu tahay 96 jir, ka dib markii ay xukunka haysay 70

Jaziiradda Malta oo Raysal Wasaare cusub yeelatay
Muuqaalka Bulshada: kala diristii gudigii maaliyada iyo aragtida dadweynaha ( dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Cumar Lakiman, Daljir cWaaq (dhegayso)

Boqorada dalka Ingiriiska Queen Elizabeth II, ayaa ku geeriyootay magaalada Balmoral iyadoo da’deedu tahay 96 jir, ka dib markii ay xukunka haysay 70 sano.

Qoyskeeda ayaa ku soo ururay gurigeeda Scotland ka dib markii walaac laga muujiyay caafimaadkeeda horaantii Khamiista.

Boqoraddu waxay carshiga timid 1952-kii, waxayna goob joog u ahayd isbeddel bulsho oo aad u weyn.

Geerideeda, wiilkeeda curad Charles, oo ahaa amiirkii hore ee Wales, ayaa dalka ku hoggaamin doona baroor diiq isagoo ah Boqorka cusub iyo madaxa dawladda 14 dawladood oo barwaaqo sooranka ah.

Bayaan ay soo saartay, Buckingham Palace ayaa lagu yiri: “Boqoradda waxay si nabad ah ugu dhimatay Balmoral galabta.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: