BOOSAASO: Booliiska oo digniin udiray ganacsatada qaar

HomeWararka

BOOSAASO: Booliiska oo digniin udiray ganacsatada qaar

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo kormeer amni u tegay Saldhigyada Booliska Magaalooyinka Carmo & Ceeldaah

PUNTLAND: Tirada dadka laga helay Covid-19 oo gaadhay 76 Ruux
Kenya oo shaacisay inuusan ka jirin dalkeeda cudurka Ebola
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Shir-gudoomiyay Kulanka Tubta Siyaasadda loo Dhanyahay (Sawiro)

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo kormeer amni u tegay Saldhigyada Booliska Magaalooyinka Carmo & Ceeldaahir ayaa digniin u diray dadka isticmaala & kuwa ka Ganacada Maandooriyaha Khamriga.

Waxaa uu sheegay Taliyaha inay jiraan dad Magaalooyinka kala duwan ee Puntland Khamriga kasoo geliya Magaalada Carmo, waxaana uu sheegay in dadkaasi loo baahan yahay inay joojiyaan.

Ugu dambeyn Taliye Cali oo kulamo looga hadlayay amniga la qaatay saraakiisha Booliska Magaalooyinka Carmo & Ceeldaahir ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono kuwa isticmaala & kuwa ka Ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.

Puntland ayaa dhowr jeer waxaa ay howlgallo ku qabatay Gaadiid siday waxyaabaha maanka dooriya, kuwaas oo Goobo fagaarayaal ah lagu gubay, sidoo kalena dad loo maxkamadeeyay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0