Danjirihii Mareykanka ee Afganistan oo laga helay COVID 19

HomeWararka

Danjirihii Mareykanka ee Afganistan oo laga helay COVID 19

Danjirihii Maraykanka u joogay Afganistan, Ross Wilson ayaa la xanuunsan Coronavirus, kadib, markii lagu sameeyey Baaritaan Caafimaad. Ambassador R

Madaxweyne Laftagreen oo sheegay in goobaha waxbarashada dib lo furi doono
Xaflada Daahfurka Buuga Adkeysi & Abaal oo lagu qabtay Minneapols.
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Dhiggiisa Dawladda Qatar

Danjirihii Maraykanka u joogay Afganistan, Ross Wilson ayaa la xanuunsan Coronavirus, kadib, markii lagu sameeyey Baaritaan Caafimaad.

Ambassador Ross Wilson oo dhawaan ka soo baqoolay caasimada dalka Afganistan ee Kabul ayaa waxa uu haatan ku sugan yahay Caasimada dalka Qatar ee Doha.

Wargeyska Politico ayaa markii u horeysay baahiyey in Danjiraha laga helay Xanuunkaasi, balse ma kala cadda in la dhigay Isbitaalka ama uu si Shaqsi ah isku Karantiilay.

Waxa uu Danjiraha la socday Diyaaradii Milliteri ee ugu dambeysay ee Maraykanka ee maalmo ka hor ka soo ambabaxday Garoonka Kabul, waxaana safarkaasi ku wehliyey Major General Christopher T. Donahue.

Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka weli kama aysan hadlin Xaalladda Ambassador Ross Wilson iyo haddii ay jiraan xubno ka tirsan Diplomaasiyiin iyo Shaqaalaha Safaaradda Maraykanka ee Afganistan oo laga helay COVID-19.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: