Boosaaso: Amniga Gobalka oo laga shiray  (Sawirro)

HomeWararka

Boosaaso: Amniga Gobalka oo laga shiray (Sawirro)

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Maanta shir guddoomiyay shirka ciidanka amniga Gobolka kaas oo lagu qabtay Xa

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Wakiilka QM kala hadlay Arrimaha Amniga & Abaaraha
Khayre oo Kormeer ku tagay degmooyinka Muqdisho xalay (sawiro)
Caluula oo Baddii Ku Soo Rogmatey Xilli 20 Doomood iyo Guryo Biyo Qaateen (dhegayso)

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Maanta shir guddoomiyay shirka ciidanka amniga Gobolka kaas oo lagu qabtay Xafiska Taliyaha Qeybta ee Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaasha Saldhigyada kala duwan iyo Khuburada Dhinaca Amniga ah, waxaana diirada lagu saaray xoojinta Amniga Gobalka. Oo dhowr jeer ay ka dhaceen dilal iyo weeraro qorsheysan.

Kulankaan ayaa sidoo kale la iska wareystay Xaaladda amniga, iyada oo Taliyeyaasha ay soo bandhigeen qorshayaasha amniga iyo dardargalinta waxana dhamaan la Faray in ay fajiignaan xoogan ay muujiyaan sidii ay u sugi lahayeeen Amaanka.

Taliye Xuseen ayaa Saraakiisha Ciidamada waxaa uu ka dalbaday in la daradar geliyo howlaha sugida amniga ee Gobolka Bari isagoona faray Saraakiisha in ay Bulshada ku xirnadaan iyagoo shacabkooda u turaaya kana Ilaalinaya dhibaato ay u geestaan inta ay ku jiraan Howlgalka.

Sawirro.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0