Maraykanka oo codsaday in la baabi’yo hindise sharciyeedka muddo kordhintii 12 April

Maraykanka oo codsaday in la baabi’yo hindise sharciyeedka muddo kordhintii 12 April

War saxaafaded ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa loogaga codsaday Farmaajo iyo baarlamaanka inay si deg deg ah uga howl-galaan baabi’inta hindise sharciyeedkii muddo kordhinta ee 12 April.

Mareykanka ayaa soo dhaweeyay, islamarkaasina bogaadiyay Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooblee iyo hoggaamiyayaasha maamullada diidmadooda ku aaddan muddo kordhinta.

Bayaankan ayaa lagu yiri “Waxaan ka codsaneynaa madaxda qaranka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya inay si deg deg ah u kulmaan, si loo dhameystiro qaabka doorashada ee la isku raacsan yahay, lana qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha sida ugu dhaqsaha badan, iyadoo lagu saleynayo heshiiskii Sebtember 17.”

Mareykanka ayaa ugu yeerey hoggaamiyayaasha siyaasadda in danta Soomaalida darteed inay meel iska dhigaan himilooyinkooda siyaasadeed iyo kala fikir duwanaanshiyahooda, ayna si daacad ah oo tanaasul iyo shuruud la’aan u wada hadlaan.

Ugu dambeyn Mareykanka ayaa ugu baaqay ciidamada Soomaaliya iyo kooxaha kale ee hubeysan inay dib u gurtaan oo ay oggolaadaan in wadahadallada siyaasadeed ay dib ugu bilowdaan jawi ka caagan rabshado iyo cagajugleyn.

“Rabshadaha oo sii socda ayaa waxay noqon doonaan kuwa uun kaliya u adeega inay xaaladda uga sii darto shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedkan.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com