Booliiska Ugandha oo xabsiga dhigay fanaanka caanka ah ee Bobi Wine

Booliiska Ugandha oo xabsiga dhigay fanaanka caanka ah ee Bobi Wine

Booliiska dalka Ugandha ayaa xabsiga dhigay fanaanka caanka ah ee Bobi Wine, xili uu kulan la qaadanayey taageerayaashiisa.

Bobi Wine ayaa ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Ugandha, waana Musharax u taagan xilka Madaxtinimo ee dalkaasi.

Dalka Ugandha ayaa lagu wadaa in doorashada guud ay ka dhacdo sanadka 2021, iyadoona Bobi Wine uu yahay hogaamiyaha mucaaradka dalka Ugandha.

Afhayeenka Booliiska dalk Ugandha Fred Enanga ayaa sheegay in ay xabsiga dhigeen Bobi Wine iyo qaar ka mid ah taageerayaashiisa muhiimka ah.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.com.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com