Beesha Caalamka oo ku baaqday in si degdeg ah loo qabto shirka DFS iyo Dowlad Goboleedyada

HomeWararka

Beesha Caalamka oo ku baaqday in si degdeg ah loo qabto shirka DFS iyo Dowlad Goboleedyada

Beesha Caalamka ayaa soo dhoweeyay soo jeedintii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa inay shir isugu yimaadaan dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo Gu

Xaaladda dadka dhimirka la’ ee caalamka oo maanta la xusay (dhegayso)
Mareykanka: “Waxaan sii xoojin doonaa duqeymaha Al-Shabaab”
Shir looga hadlaayay Arrimaha Shidaalka Soomaliya oo ku qabsoomay habka fogaan araga ee internetka

Beesha Caalamka ayaa soo dhoweeyay soo jeedintii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa inay shir isugu yimaadaan dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyadoo shir gogol-xaar ah uu si hordhac ah ugu qabsoomi doono khadka internetka, gaar ahaan aalada la iska arko ee Zoom-ka loo yaqaano.

“Waan bogaadinaynaa dadaalkan lagu xoojinayo wadashaqaynta laguna kobcinayo is-fahamka iyo is-afgaradka”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa loogu baaqay Madaxda Soomaaliyeed inay ka faa’ideystaan fursaddan, si ay ugu heshiiyaan wadiiqada horay loogu ambaqaadayo arrimaha hortabinta u leh Qarankaoo ay ku jiraan doorashooyinka, si loogu daneeyo dhammaan dadka Soomaaliyeed.

“Waxaa qiraynaa dadaallada kale ee dhowaan ay sameeyeen wakiilada Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, dadaalladaas oo gacan ka geysatay dhidibbo u aasidda wadahadalkan, Waxaan boorinaynaa in si dhakho leh loo abaabulo, si dib-u-dhac la’aan ah, kulamadan Khadka internetka lagu qabanayo iyo kuwa u dhacaya sida fool-ka-foolka ah, ee lagu dhaqaaqay maanta”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu soo dhoweeyay dadaalada joogtada loo galay ee wada hadalka iyo dib u heshiisiinta, isu tanaasulka ka dhaxeeya Madaxda siyaaasadeed, sidoo kale baadigoobka loogu jiro in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed, iyadoo aanay rabshado dhicin, lana adeegsanayo garashada xaaladda jirta iyo u-wada-dhamaansho, oo ay ku jirto arrinta Jubbaland.

Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay marqaati ka noqon doonto dardar gelinta arrimaha mudnaanta iyo hortabinta u leh qaranka, iyadoo loo marayo iskaashi dib loo soo cusbooneysiiyo oo dhex mara Soomaaliya madaxdeeda, ayna diyaar u yihiin inay taageeraan dadaalada lagu horumarinayo siyaasad loo dhan yahay lana ilaaliyo Midnimada dalka.

Ugu dambeyn war saxaafadeedkan ayaa waxaa ku saxiixnaa dalalka Belgium, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Mareykanka, Faransiiska, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Ireland, Japan, Jarmalka, Kenya, Masar, Midowga Yurub, Netherlands, Norway, Shiinaha, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Turkiga, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD), Qaramada Midoobay.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: