Beeraleyda Puntland: Xaalka Beeraha iyo Qaylodhaanta Abuurka Sumaysan (dhegayso)

HomeWararkaMaqaalo Kale

Beeraleyda Puntland: Xaalka Beeraha iyo Qaylodhaanta Abuurka Sumaysan (dhegayso)

Qaybtii 1aad Warbixinno Taxane ah oo Radio Daljir ka Diyaariyey Xaalka Beeraha iyo Beeraleeyda Puntland Sidaas ku dhegaysateen wargelintii aan idin

Waxbar gabadha oo ciribtir faqriga: Kahortagga caqabadaha gabdhaha kaga yimaada dhanka waxbarashada (Taxanaha 8aad – dhegayso)
BADBAADO: Badbaadi bulshadaada, naftaada, diintaada, dhaqankaaga & jirintaankaaga (daawo | Taxanaha 12aad)
Daljir & BBCMA: Baraarugga Haweenka – Taxanaha 13aad (Xaawo Axmed iyo Maxamed Xasan Dhalo – dhegayso)

Qaybtii 1aad Warbixinno Taxane ah oo Radio Daljir ka Diyaariyey Xaalka Beeraha iyo Beeraleeyda Puntland

Sidaas ku dhegaysateen wargelintii aan idinku soo gudbinay dhegaystayaal baahinteennii caweysnimo ee xalay, Radio Daljir wuxuu bilaabayaa warbixinno taxane ah oo ku saabsan xaalka beeraha iyo beeraleeyda Puntland, kuwaasi oo si durugsan u eegaya arrimo badan oo beeraha quseeya.

Warbixinnasa taxanaha ah, ayaa idinku soo gudbin doonaa qiyaasta tiro ee beeraha gobollada kala duwan ee Puntland, dalagyada ka baxa, gobollada ugu beeraha badan Puntland, caqabadaha haysta beeraha laftigooda iyo beeraleeyda, xanuunnada ku dhacay beeraha hoosna u dhigay wax-soo-saarkoodii iyo meelaha ay ka soo dugaashadeen.

Warbixinnadaasi xiriirka ah ee Radio Daljir ka diyaarshay beeraha Puntland, waxay xog aruurin baahsan ka soo sameeyeen beeraleeyda gobollada Puntland, ururada beeraleeyda ee gobollada iyo kan guud ee ay ku midaysanyihiin beeraleeydu, wasaaradda beeraha Puntland iyo masuuliyiin ka tirsan hay’ado dhawr ah oo beeraleeydu ku eedeeyeen in beeraha siiyeen abuuro dhibaato badan ka dhalatay, sababayna in xanuuno safmar ah ku dhacaan beeraha iyo wixii ka soo bixi jirayba.

Haddaba warbixinnadaasi taxanaha midda ugu horreysa oo ah midda aan haatan idin soo gudbinayno waxay iftiiminaysaa qiyaasta tiro ee beeraha Puntland, waxaana warbixinnadaasi diyaarshay, soona jeedinaya Xasan Heykal oo ku sugan istuudyaha Daljir ee Bosssaso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: