Beelo ku dagaalamaya gobalka Hiraan & Baaq loo diray

Beelo ku dagaalamaya gobalka Hiraan & Baaq loo diray

Waxaa Maanta xaalad deganaansho ah laga dareemayaa degaanka Kabxanleey ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo xalay dagaal xoogan oo khasaaro geeystay uu ku dhexmaray laba maleeshiyo Beleed.

Dhinacyadii goobta ku dagaalamay ayaa waarkood weli ishor-fadhiya, waxaana dagaalka lagu gubay Guryo iyo Beero ay lahaayeen dad Shacab ah oo aan waxba galabsan.

Dagaalkii xalay ka dhacay degaanka Kabxanleey ayaa wararka horudhaca ah ee la helay waxaa ay sheegayaan in ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 5 ruux in ka badana ay ku dhaawacmeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka, halka Maamulka Gobolka Hiiraan ay sheegeen inay Ciidamo u dirayaan degaannada lagu dagaalamay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com