Wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya oo war ka soo saartay colaada ka tagaan Baladweyn

Wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya oo war ka soo saartay colaada ka tagaan Baladweyn

Qoraal kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa baaq nabadeed loogu diray Maleeshiyo beeleed ku dagaalamay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Xaanshida uu soosaaray Wasiir Mukhtaar waxa uu ku muujiyay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta XFS ay diyaar u tahay in ay dhigto gogol la isugu keenayo dhinacyada dagaalamay.

Odoyaasha dhaqaanka labada Beeleed iyo kuwa Deegaanka waxa uu usoo jeediyay in kaalintooda ay ka qaataan si loosoo afjaro xiisadda taagan sida lagu sheegay Qoraalka uu soosaaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

general muqtaar oo ku baaqay in shuruud la’aan la joojiyo dagaalka ka socda baladweyne.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0