HomeUncategorized

Barlamaanka maamulka Hirshabeelle oo kulankoodii ugu horeeyey yeelanaya.

Jowhar, Oct 10 2016--Mudanayaasha barlamaanka maamulka Hirshabeelle (Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan), ayaa maanta waxay yeelanayaan fadhigoodii ugu horeeyey.

(Dhagayso) W. Hore ee amniga Puntland General Yuusuf Axmed oo saadaal ka bixiyay ammaanka Muqdisho iyo awooda Shabaab
Dhagayso Wariye Geeddi: Maxaabiistu waxay shegeen in ay Garacad u qabeen Yaman
DHAGAYSO:Warkii Duhurnimo ee Daljir Khamiis _16

Jowhar, Oct 10 2016–Mudanayaasha barlamaanka maamulka Hirshabeelle (Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan), ayaa maanta waxay yeelanayaan fadhigoodii ugu horeeyey. 

Xildhibaanada ayaa kulankaani waxa ay uga hadli doonaan arrimo la xiriira horumarinta ajandayaasha horyaal oo ay ugu horayso doorashada madaxweynaha Hirshabeelle. 

Maalinimadii shalay ayaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe waxaa dhaarinta xildhibaanadaani kaga qaybgalay gudoomiyaha barlamaanka xilligoodii dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan iyo madax kale. 

Qaar kamid ah waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa weli diidan shirka kasocda magaalada Jowhar oo dhowaan loo codeeyey inay noqoto caasimadda Hirshabeelle.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: