Baarlamnaka Jubbaland oo Ansixiyay Miisaaniyadda ku celiska ah

Baarlamnaka Jubbaland oo Ansixiyay  Miisaaniyadda ku celiska ah

Xildhibaannada Golaha Wakiilada Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa Maanta oo Axad yeeshay kalfadhigii 3aad fadhigiisa 7aad kaasoo Ajandihiisu ahaa ka doodista xeerka miisaaniyadda ku celiska ah.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 49 mudane, waxaana ujeedka kulanka uu ahaa ku celinta xeerka misaaniyada si loogu soo daro wasaaradaha cusub ee dhawaan lagu soo kordhiyay wasaradaha xukuumadda dowlad gobaleedka Jubbaland halkaas oo lagu Ansixiyay xeerka misaaniyada Jubbaland.

Xeerka miisaaniyadda ku celiska ah ee Jubbaland ayaa waxaa u codeeyay 48 mudane halka uu ka aamusay 1 xildhibaan mana jirin cid diidday sida uu Warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha guddiga habdhowrka Golaha wakiilada Jubbaland Xildhibaan Shugri Weyrax Kaariye.

Xildhibaannada Golaha Wakiilada Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa waxaa la filayaa inay yeeshaan klulamo isdaba-joog ah, waxaana u yal Shaqooyin dhowr ah oo ay kamid tahay doorashada Xubnaha ka harsan Aqalka Sare qeybta ka imaaneysa Jubbaland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com