AFGHANISTAN: Haweeney ku dul umushay diyaarad dusheed

HomeWararka

AFGHANISTAN: Haweeney ku dul umushay diyaarad dusheed

Haweeney reer Afghanistan ah, ayaa ku dhashey ilmo yar, iyadoo saaran diyaarad Mareykanku ay ku daad gureynayaan dad fara badan. Farriin lasoo dhi

LAASCANOOD: Shacabka oo Hambalyo u diray Hogaanka Cusub ee SSC-Khaatumo & kuxigeenkiisa.
Muqdisho Shir Xagjirnimadda loog Hadlayo Ayaa ka Furmay
Maamulka gobalka Bari oo kulan la qaatay Guddoomiyaha xaafaddaha Bosaaso (Daawo)

Haweeney reer Afghanistan ah, ayaa ku dhashey ilmo yar, iyadoo saaran diyaarad Mareykanku ay ku daad gureynayaan dad fara badan.

Farriin lasoo dhigey maanta oo axad ah barta twitter-ka, ayuu taliska guur guura ee hawada Mareykanka, ku sheegay in haweeneydan iyo qoyskeedu ka safrayeen Bariga Dhexe, iyagoo kusii jeeday saldhiga cirka ee Ramstein ee Jarmalka, markii ay foolanaysay.

Kadib markii haweeneydan ay lasoo daristay xanuun, taliyaha diyaaradda ayaa go’aan sadey in hoos loo dhigo joogga ay ku duuleysay diyaaradda, si loo kordhiyo cadaadiska hawada ee diyaaradda, taasoo gacan ka geysatey xasilinta iyo badbaadinta nolosha hooyadan.

Markii ay caga dhigatey diyaaradda, dhakhaatiirta ciidanka Mareykanka, ayaa soo dagay, iyagoo ku wareejiyey ilmihii yaraa hooyadii dhashey.

Hooyadii iyo ilmihii yaraaba way caafimaad qabaan, iyadoo loo qaadey isbitaal ka ag dhawaa saldhigga ciidanka cirka.

Dhinaca kale,Toddobo qof oo rayid ah ayaa ku dhintey isbuurasho ka dhacdey bannaanka garoonka diyaaradaha ee Kabul, iyadoo ay si waliba isugu dayayaan iney ka cararaan la wareegista dalka Afghanistan ururka Taliba, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Ingiriiska.

Afhayeen u hadley wasaaradda difaaca, ayuu ku sheegay war ay soo saareen iney wajahayaan caqabado aadu xun, ha yeeshee ay sameynayaan wax waliba oo ay awoodaan, si ay u badbaadiyaan shacabka, una xakameeyaan amni darida jirta.

Wuxuu intaa raaciyey iney jiraan goobo ay wax ka dhaceen oo ku beegan bannaanka garoonka, iyadoo kumanaan reer Afghanistan ah ay isku dayayaan iney baxsadaan.

Dalal badan ayaa ku guul dareysteen iney caawimaad u fidiyaan muwaadiniintooda, iyo dadkii reer Afghanistan ee la shaqeynayey.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0