Baarlamanka Puntland oo loo qeybiyay HIndise Sharciyeedka Diiwaangelinta Cod Bixiyaasha (daawo)

Baarlamanka Puntland oo loo qeybiyay HIndise Sharciyeedka Diiwaangelinta Cod Bixiyaasha (daawo)

Golaha Wakiilada Puntland ayaa loo gudbiyay maanta Hindise-Xeereedka Diiwaangelinta Cod bixiyaasha oo qeyb ka ah nidaamka Doorashada Xisbiyada ee doorashada Golaha deegaanka.

Kulanka maanta oo ah fadhiga 24-aad ee Kalfadhiga 47-aad oo ku dhacay magaalada Garoowe ayaa hindisahan waxaa u gudbiyay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waxaana maanta loo qaybiyay Xildhibaannada si ay usoo aqriyaan una soo calaamadeeyaan qodobada iyo meelaha ay u arkaan in ay u baahan yihiin wax ka badal lagu sameeyo & soo jeedintooda waxa lagu badali karo.

Golaha Wakiilada DG Puntland ayaa fursad ahaan u heysta 3 maalmood, kadib waxa uu gelinayaa dood la xiriirta soo jeedinta qodobada, marka saddex jeer la geiyo aqrinta Kadib waa ay u codeynayaan si uu dib ugu laabto Madaxweyne Siciid Deni, haddii uu Golaha uu diidanaya dib u eegis lagu sameeyo meelaha sababta u ah dib u celinta.

Daawo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com