Baarlamaanka Galmudug oo cod u qaadey codsi ka yimid Madaxweyne Qoor Qoor

Baarlamaanka Galmudug oo cod u qaadey codsi ka yimid Madaxweyne Qoor Qoor

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cli Daahir Ciid ayaa maanta hortagay Golaha sharci dejinta ee Dowlad Goboleedka Galmudug, isaga oo ka wakiil ah madaxweyne Axmed Cbdi kaariye(Qoor Qoor.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa ka horjeediyey Xildhibaannada hadal dhinacyo badan khuseeyay sida arrimaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha waxa uuna ka codsaday in loo kordhiyo mudada so dhisida xukuumadda Galmudug.

Waxayna xilbaanadu si gacan taag ah u ansixiyeen dalabka Madaxwayne ku xigeenka iyago oo ku daray muddo bil ah oo ku eg 31 Maarso 2020.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka mahad celiyey fursada la siiyay isla mar ahaantaana bogaadiyay hawlaha shaqo ee Baarlamaanka Galmudug.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com