Greek: Cunug Yar oo ku dhintay Badda dusheeda

Greek: Cunug Yar oo ku dhintay Badda dusheeda

Cunug yar ayaa dhintay, halka labo cunug kale la dhigay isbitaalka, kadib markii ay ku neef qabtoobeen dooni tahriib oo ay la socdeen.

Doonida ayaa waxaa saarnaa boqolaal tahriibayaal ah, kuwaasi oo gaaray dekadda lagu magacaabo Lesbos ee dalka Greek.

Tan iyo markii Turkiga uu ooda ka qaaday tahriibayaasha ayaa waxaa wadanka Greek gaaray kumanaan tahriibayaal ah, si ay ugu sii gudbaan Qaaradda Yurub .

”’Saacadihii la soo dhaafay waxaa na soo gaaray kun tahriibayaal ah oo ka yimid Turkiga ayuu yiri”’afahayeen u hadlay dowladda Greek.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0