HomeUncategorized

Baaqyada beesha caalamka iyo badashada dhibaatooyinka abaarta.

Caption ...

Xildhibaan lagu weerary Muqdisho iyo laba qof oo dhimatay
Wasiirka warfaafinta Somaliya oo aan ka waraysanay dagaalada ka socda Muqdisho.
Mashruuca dayactirka dekedda Boosaaso oo la balaarinayo.

Somalia, July 21 – Maalinba maalinta ka dambaysa waxaa sii kordhaya dhibaatooyinka aan kala harka lahayn ee ka dhashay abaarta xooggan ee ku habsatay Soomaaliya iyo waddamada dariska ahba taasoo cagta marisay dad badan, duunyo iyo dalaggii beeraha intaba.

Abaarta ku dhufatay Soomaaliya, xooggeeduna haleelay koonfurta iyo gobollafa dhexe ee Soomaaliya ayaa sababtay dhimashada boqolaal qof oo u badan carruur, haween iyo dad da’ah kuwaasi oo ay iskugu darsameen xanuuno iyo nafaqa-darrida ka dhalatay waayitaan cunnooyinkii qutul-daruuriga ahaa ee dadkaasi ay ku noolaan-jireen.

Dhibaatada abaareed ee Soomaaliya ka jirta ayaa hadda la tilmaamayaa in ay gaartay heer macaluul lagu tilmaamo kaddib markii ay si xad-dhaaf ah u korortay nafaqa-darrida Soomaaliya.

M/weynaha dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya Shariif SH. Axmed, ayaa labo maalmood ka hor ku dhawaaqay in Soomaaliya ay ka dillaacday macaluul rasmi ahi, loona baahan yahay gargaarno bini’aadanimo oo lagu taakuleeyo dhibbanayaasha.

Qaramada Midoobay ayaa iyana dhankeeda caddaysay qaar ka mid ah gobollada Soomaaliya in ay ka jirto xaalad-macaluuleed oo ba’ahan gobolladaasi oo ay ku tilmaantay in ay yihiin Baay iyo Sh. Hoose kuwaasi oo ka mid ah deegaannada uu maamulo ururka Al-shabaab.

Intii ay soo kordheen xaaladaha qallafsan ee abaarta Soomaaliya ayaa waxaa issi soo tarayey gurmadka iyo dhaylo-dhaanta ku aaddan taakulaynta dadka ku tabaaloobay abaaraha Soomaaliya taasoo si aan kala har-lahayn uga imaanaysay, hay’adaha QM, Samafalayaasha kale ee caalamiga ah, waddamada deeqaha bixiya ee Yurub, kuwa Jaamacadda Carabta iyo sidoo kale maamullada Soomaalida iyo maal-qabeennadooda.

Kumanaan qoys oo Soomaaliya ayaa ka cararay deegaannadoodii kaddib markii ay marteen xoolihii ay dhaqan-jireen sidoo kalena xilli horaba uu is-taagay dalaggii xagga beeraha ay ka goosan jireen, roob la’aanta dhawrka sano jirtay darteed.

Qoysaskaasi oo ay ka dhinteen dhallaan badan oo dhibaatada abaartu wiiqday, aanna haysan dhuuni ay ku noolaadaan, una dheer tahay dhibaatooyin xanuun iyo nafaqo la’aan ka dhalatay abaarta daba-dheeraatay ayaa u dhaadhacay dhulka magaalooyinka maadaama ay ka dhammaadeen wixii maal adduunyo ay dhaqan-jireen.

Maalinkasta xerayaha barakacayaasha ee ku yaalla gobollada dalka iyo kuwa waddamada dariska ahba waxaa gaara boqolaal qoys oo ku soo barakacay abaarta daba-dheeraatay ee Soomaaliya ka jirta kuwaasi ku biiray kaamam aysan qaarkood ka jirin wax daryeel bulsho ah.

Qiyaaso la sameeyey ayaa muujinayo abaarta haatan jirta in ay u sansaan egtahay mid dalka ka dhacay sagaashameeyadii taasoo boqolaal kun oo qof ay ku dhinteen.

Diiwaanka Wararka,
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: