Axmed Madoobe oo war ka soo saaray saameynta ay reebeen fatahaadaha, kuna baaqay gurmad

Axmed Madoobe oo war ka soo saaray saameynta ay reebeen fatahaadaha, kuna baaqay gurmad

Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka tacsiyeeyay fatahaadaha ka dhacay guud ahaan dalka gaar ahaana saameyn ku yeeshay qeybo kamid ah Jubbaland, sida Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo iyo jasiirada Madhawo ee gobolka Jubbada hoose.

Fatahadahaan ayaa geystay khasaaro laxaad leh oo Naf iyo Maalba leh, iyadoo ay boqolaal Qoys ka barakaceen hoygoodii hantidoodiina ku wayeen.

Axmed Madoobe ayaa walaac ka muujiyay saameynta ay leedahay dhibaatada baahsan ee soo gaartay qoysaska dan yarta ah.

“Waxaan ugu horreyn murugada iyo dhibka la qeybsanayaa dhammaan qoysaska ay saameeyeen fatahaadaha ka dhacay guud ahaan deegaannada Jubbaland gaar ahaana Baardheere iyo Madhawo anaga oo dadaal adag ku bixin doonna sidii aan uga qeyb qaadan lahayn badbaadinta iyo samata bixinta qoysaska danyarta ah ee ay dhibtu saameysay, Waxaan ugu baaqayaa dadka in ay ka digtoonadaan fatahaado horleh oo ay suurtagal tahay in ay dhacaan maddaama la filaayo xili robaadkaan in uu noqdo mid ka xoog badan roobabkii hore”.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada in ay u gurmadaan walaalahooda ay saameeyeen fatahaadaha roobka kadhashay, sido kale madaxwaynaha ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay gurmad degdeg ah laso garaan shacabka Soomaaliyeed ee ku masiibooyinku ku habsadeen ee ku nool Degmada Baardheere iyo Jaziiradda Madhawo.

Ugu dambeyn madaxwaynaha ayaa ammaan iyo bogaadin uso jeediyay dhalinyarada, ganacsatada iyo siyaasiyiinta isu xilqaamay u gurmashada shacabka dhibaataysan ee ku waxyeeloobay fatahaadaha culus ee ka dhacay degmada Baardheere waxaana uu xusay in ay Wali jirto khatar ay wajahayaan dadka ku nool jiinka Webiga Jubba iyo Dooxooyinka kuwaas oo mar kale daadad iyo fatahaado xoog leh gaysan kara.
\
Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com