Axmed Madoobe oo Ciidamadii ugu badnaa kala dagay Muqdisho

Axmed Madoobe oo Ciidamadii ugu badnaa kala dagay Muqdisho

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya.

Wafdiga uu horkacayo Madaxweynaha Jubbaland ayaa Muqdisho ugaga qeybgalaya shirka u dhexeeya Madaxda dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ka dhacaya Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka.

Waxyar kahor inta aysan ka soo degin wafdiga Axmed Madoobe garoonka diyaaradaha ayaa waxaa madafiic hoobiyaal ah lala beegsaday saldhiga Xalane oo ku dhow garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com