Axmed Dowlo oo ah muwaadin hayb sooc guurka loogu gubay Muqdisho oo shan qof loo xiray falkiisa

HomeWararka

Axmed Dowlo oo ah muwaadin hayb sooc guurka loogu gubay Muqdisho oo shan qof loo xiray falkiisa

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C.raxmaan Yariisow ayaa bartiisa xiriirka bulshada ee Facebooka ku xaqiijiyay soo qabashada dadkan. “Maamulka Degmada Ya

Muqdisho: Ururada Bulshada Rayidka oo sheegay in Golaha wadatashiga afduubteen doorashada
Garoowe oo laga xusay Maalinta Nabadda ee Adduunka (dhegayso)
Muqdisho waxaa ka furan Xabaal University oo ah jaamacad dadka oo nool lagu aaso.(Qormo)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C.raxmaan Yariisow ayaa bartiisa xiriirka bulshada ee Facebooka ku xaqiijiyay soo qabashada dadkan. “Maamulka Degmada Yaqshiid iyo Booliska oo iskaashanaya ayaa waxey ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan 3 qof oo geystay falkii waxashnimada aheyd ee loo geystay Marxuum Axmed Dowlo, waxaan u Mahadcelinayaa shacabka oo kaalin weyn ka geystay soo qabashada, waqtigii damiile baxsan jirey oo shacabka ku dhex dhuuman jirey wey dhamaatay.”ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Marxuum Axmed Dowlo ayaa lagu dilay dhamaadkii bishii hore arrimo la xiriira heyb sooc, kadib markii wiil uu adeer u ahaa uu guursaday gabar ay deris ahaayeen.

Illaa shan ruux ayaa hore loogu xirey falka dilka Axmed Dowlo oo muddo toddobaadyo ah qabsaday baraha bulshada balse Maamulka Gobolka Banaadir ayaan faahfaahin ka bixin saddexdan ruux ee la soo qabtay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: