AUN Meydka Guddoomiye Yarisow oo Muqdisho la keenayo Saaka

HomeWararka

AUN Meydka Guddoomiye Yarisow oo Muqdisho la keenayo Saaka

Saacadaha soo socda ayaa lagu waddaa in Magaalada Muqdisho la keeno Meydka Gudoomiyihii gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow. Mas’u

Ciidanka Amniga Boosaaso oo xiray Guddoomiyihi Gudiga dhismaha Wadada Bosaaso
Milkiilaha Astaan TV Cabdimanaan oo lagu xukumay shan sano oo xabsi ah
Hiigsi & Hayaan: Taxanaha 27aad iyo Cabdifataax Cumar Geeddi (dhegayso)

Saacadaha soo socda ayaa lagu waddaa in Magaalada Muqdisho la keeno Meydka Gudoomiyihii gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka mid yahay Safiirka dowladda Qatar ee Dooxa ayaa lagu waddaa in meydka Gudoomiyaha in ay kasoo qaadaan Magaalada Dooxa.

Waxaa sidoo kale ka mid ah xubno ka mid qoyskiisa oo dhawaan ka yimid dalka Ingariiska sababo la xariiray dhaawaciisa.

Shalay aya qorshuhu ahaa in Meydka Alle ha u naxariistee Eng, Yarisow in Muqdisho la keeno,hayeeshee Guddiga qaban-qaabada aaska Qaran ayaa shaaciyey in dib u dhac uu ku yimid, taas oo loo sababaynayo cillad farsamo oo ku timid Diyaaraddaii soo qaadi lahayd meydka marxuumka.

Madaxda ugu Sareysa dalka oo ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo qaar ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa lagu Waddaa in ay ka qeyb galaan Aaska Marxum Yariisow.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: