Ciidanka Amniga Boosaaso oo xiray Guddoomiyihi Gudiga dhismaha Wadada Bosaaso

Ciidanka Amniga Boosaaso oo xiray Guddoomiyihi Gudiga dhismaha Wadada Bosaaso

Ciidamadda Amniga Magaaladda Bosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa maanta xiray Sheekh maxamed Macalin Guddoomiyihii gudiga dhismaha degmadda Boosaaso.

Xariga Guddoomiyaha ayaa lala xiriirinayaa lacag dhawaan guddiga loogu deeqay oo ay soo gaarsiisay dowladda Federaalka Somaaliya,taas oo dowladda Puntland waxba kala socon.

Horey Bosaaso waxaa lagu xiray xubno ka tirsan guddiga dhismaha waddada Bosaaso,taas oo ay ka dhalatay hadal hayn baddan.

shalay warsaxafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Somaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa logu baaqay Puntland inay si shuruud la’aan ah ku sii dayso xubnahaas ka tirsan Dhismaha guddiga wadada Bosaaso.

Diwaanka
Wararka Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com