Askari katirsan Ciidamadda NISA oo Lagu Dilay Muqdisho

Askari katirsan Ciidamadda NISA oo Lagu Dilay Muqdisho

Askari ka tirsan Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa waxaa xalay lagu dilay Degmada Heliwaa ee Waqooyi Bari Muqdisho, iyadoona horey looga qaatay qorigii uu watay.

Askarigan, ayaa waxaa fiidnimadii lagu dilay Isgoyska SOS, xilli uu wadada marayay, waxaana soo weeraray rag bistoolado ku hubeysnaa.

Goobjooge-yaal, ayaa sheegay in raggii bistooladaha ku hubeysnaa ay askariga ka toogteen qaybaha kore ee jirkiisa, ayna u suurtagashay inay goobtaasi ka qaataan qorigii uu watay, ka hor intii aanay ka baxsan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com