Argagixiyihii Saddexaad ee London oo Magaciisa iyo Masawirkiisa la Shaaciyey

HomeWararka

Argagixiyihii Saddexaad ee London oo Magaciisa iyo Masawirkiisa la Shaaciyey

Booliska London waxay maanta xaqiijiyeen in Youssef  Zaghba, 22 jir aabbihi yahay Marookaan, hooyadina Talyaani, uu yahay ninkii saddexaad ee ka qaybq

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay geerida Madaxweynihii Imaaraadka Carabta
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Falanqeyn: Qudbadii xalay ee Farmaajo, ma ahayd qudbadii laga sugaayay? (daawo)

Booliska London waxay maanta xaqiijiyeen in Youssef  Zaghba, 22 jir aabbihi yahay Marookaan, hooyadina Talyaani, uu yahay ninkii saddexaad ee ka qaybqaata weerarkii Buunada London.

Labada kale ayaa kala ahaa Khuram Shazad, 27 jir Ingiriis/Bakistaani ah iyo Rashid Redouane oo asna ahaa 27 jir, mar sheegta Marookaan, mar kalena sheegta Liibiyaan.

Saddexdaba waxaa la dilay 8 daqiiqo kabacdi markii weerarka Buundada London booliska lagu soo wargaliyey.

Youssef Zaghba oo dhalashadiisu tahay Talyaani waa nin faro badan laga hayey oo 2016 madaarada Bolonya iyo kan London laga celiyey asaga oo ku sii jeeda Siiriya/Turkey, rababana in uu ku biiro ISIS. In kasta oo sirdoonka Ingiriisku yiraahdeen wax macluumaad ah kama aysan haynin Youssef, hadana sirdoonka Talyaanigu waxay isla maanta sheegeen in ay si rasmi ah mar hore u wargaliyeen sirdoonka Ingiriiska, kana digeen khatarta Youssef Zaghba.

Diwaanka wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0