HomeUncategorized

Ardyada Dugsiyada Sare ee Kenya oo la sheegay in ay Mushaar ka qaataan Al-shabaab

Talaado, Juun 30, 2015 (Daljir)_Isku duwaha waaxda la dagaalanka argagixisada Isaac Ochieng ayaa ka digay in ardey badan oo dhigata tacliinta sare ay tashkiiliyeen kooxaha xagjirka ah.

Caawa iyo Daljir, khamiis,May 16, Khadar Cawl Ismaaciil ( Daljir Buuhoodle)
DHEGEYSO-Gudiga dibudhiska Cusbitalka Galkacyo oo ka warbixiyey xaga wax u marayaan.
Madaxweyne Gaas oo u hambalyeeyey xulka kubadda cagta Puntland.

Talaado, Juun 30, 2015 (Daljir)_Isku duwaha waaxda la dagaalanka argagixisada Isaac Ochieng ayaa ka digay in ardey badan oo dhigata tacliinta sare ay tashkiiliyeen kooxaha xagjirka ah.

Masuulkani wuxuu sheegay in hay’adaha sirdoonku hayaan magacyada qaar kamid ah ardeyda la xagjireeyay kuwaas oo uu ku sheegay inay mushaar ka qaataan Alshabaab iyo Alqaacida.
 
‘‘Waxaan haynaa xog sheegaysa in ardey dhigata Jaamacada Nairobi mushaar ka qaatan Alshabaab,waa arin laga naxo,’’ayuu yidhi Isaac Ochieng.
 
Hadalka ka soo yeedhay masuulkan ayaa imaanaya bilo kadib markii laga ogaaday in mid kamid ahaa ragii ardeyda ku laayey jaamacada Gaarisa uu kamid ahaa ardeydii ka qalin jabisay jaamacada Nairobi.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: