Koonfur Afrika oo xireysa Xeryihii lagu ilaalin jiray Ajaanibta Afrikaanka ah

 
Talaado, Juun 30, 2015 (Daljir)_Madaxa Isgaarsiinta ee Dowladda Hoose ee Degmadda Thekwini ee dalka Koonfurta Afrika, Tozi Mthwthwa ayaa sheegay inay maanta albaabadda u laabi doonaan xeraddii ugu dambaysay ee lagu marti geliyey Shisheeyihii ku barakacay weeraradii Isir-nacaybka ee bishii April ka dhacay dalkaasi.
 
Tozi Mthwthwa waxa uu tilmaamay inay xaalladda caadi noqotay, loona baahan yahay in la xiro Xeradda Chatsworth Camp oo ay haatan ku harsan yihiin 212 qof oo badankooda ka kala yimid dalalka Burundi iyo Kongadda Dimrqadaiga ee DRC.
 
Markii uu Kacdoonka Shisheeye-nacaybka ka dilaacay dalka KoonfurtaA Afrika waxay inta badan Ajaaniibta badbaado ahaan u galeen Saldhigyadda Boliska iyo Xarumaha Dowladda ka hor intaan loo furin Xaruumo Khaas ah oo ay Ciiddamo hubeysan ku ilaalin jireen.
 
Xiisadahaasi waxaa lagu dilay ugu yaraan 8 qof oo shisheeye ah oo uu ku jiray Muwaadin Soomaali oo nolosha lagu gubay.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com