Aqalka Sare ee Somaaliya oo kala diray Guddigi dhex dhexaadka Khilaafka Barlamanka

HomeWararka

Aqalka Sare ee Somaaliya oo kala diray Guddigi dhex dhexaadka Khilaafka Barlamanka

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya C/Xaashi C/llaahi ayaa goordhow kala diray Xubnihii Guddiga Aqalka sare ee Xalinta Khilaafka G

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Puntland oo xukuno riday
”Haddaad nabadda qaadan weydaan soodaaya waxaad Haysaan”
JIGJIGA: Saxaafadda madaxabannaan oo loo diidey shirkii Xildhibaanada DDS

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya C/Xaashi C/llaahi ayaa goordhow kala diray Xubnihii Guddiga Aqalka sare ee Xalinta Khilaafka Golaha Shacabka kaa soo ka dhashay Mooshinka laga keenay Jawaari.

Xubnaha Aqalka sare ee la kala diray oo la dhisay, 17-kii Bishan ayaa waxa ay ka koobnaayeen 7 Xubnood oo midi ay haweeney eheyd, Waxeyna kala ahaayeen.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi – Guddoomiye

Mowliid Xuseen Ducaale – Xubin

Zamzam Ibraahim Cali – Xubin

Cabdi Xasan Cawaale (Qaydiid) – Xubin

Maxamuud Axmed Mashruuc – Xubin

Maxamed Amiin Sh. Cismaan – Xubin

Muxyadiin Sh. Cali Jaamac – Xubin

Kulan ay maanta ku yeesheen Xaruntooda ayaa waxaa kaga dhawaaqay kala diristooda, Gudoomiye C/Xaashi C/llaahi, iyadoo durbadiiba uu soo ifbaxay Khilaaf kale oo ka dhex qarxay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.

Senotersada kala ah; Maxamed Amiin Sh. Cismaan ,Cabdi Xasan Cawaale (Qaydiid) iyo Maxamuud Axmed Mashruuc ayaa marka hore ku dhawaaqay iney iska casileen xubinimadii ay Guddigan, taasoo markii danbe keentay in Gudoomiyaha dhamaantoodba kala diro.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: