JIGJIGA: Saxaafadda madaxabannaan oo loo diidey shirkii Xildhibaanada DDS

JIGJIGA: Saxaafadda madaxabannaan oo loo diidey shirkii Xildhibaanada DDS

Xarunta Madaxtooyada Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa waxaa ka socda shir ay iskugu yimaadeen xildhibaada Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida (XDS | SDP). Shirka oo markii uu furmay ay saxaafaddu timid ayaa markii danbe loo diiday in ay galaan oo ka soo wariyaan shirka, iyo waxa sababay in xildhibaanada xisbigu ay shirkan degdegga ah isugu yimaadaan.

Saxaafadda madaxabannaan ayaa dib looga soo celiyey hoolka shirarka madaxtooyada, laakiin waxaa loo ogolaaday warbaahinta Dowlad Deegaanku u gaarka ah ee SRTV.

Saxaafadda madaxabannaan ayaa faderaalka iyo dowlad deegaankaba ka haysata sharci u fasaxa tabinta dhammaan wararka dalka iyo kan dowlad deegaanka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com