Aqalka sare ee Mareykanka oo ansixiyay miisaaniyad dhaqaale oo COVID-19 loogu talagalay

HomeWararka

Aqalka sare ee Mareykanka oo ansixiyay miisaaniyad dhaqaale oo COVID-19 loogu talagalay

Aqalka Senate Mareykanka ayaa ansixiyay hindisaha dhaqaale ee lagu caawinayo dadka Amerikaanka ah oo dhaqaalahooda saameeyay safmarka coronavirus, kaa

Ayax raxan raxan u socda oo ku habsaday deegaano ka tirsan goblka Bari (dhegayso)
Xulashada Daljir & Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo IOM kala hadlay Arrimaha Xasilinta

Aqalka Senate Mareykanka ayaa ansixiyay hindisaha dhaqaale ee lagu caawinayo dadka Amerikaanka ah oo dhaqaalahooda saameeyay safmarka coronavirus, kaas oo uu soo jeediyay madaxweyne Joe Biden.

1.9 triliyan oo dollar ayuu Biden ugu talagalay in uu wax kaga qabto dhibaatada dhaqaale ee dadkiisa ku keenay cudurka COVID-19, Sabtidii ayaa golaha aqalka sare meel mariyeen inkastoo dhammaan xubnaha jamhuuriyiinta ka hor yimaadeen qorshaha madaxweynaha.

Sidoo kale, golaha wakiilada oo xisbiga Dimoqraadiga aqlabiyad ku leeyahay ayaa la filayaa in Tallaalada ay ansixin doonaan hindisahan dhaqaale.

Madaxweyne Biden ayaa ansixinta aqalka sare ku sifeeyay talaabo dhanka wanaaga loo qaaday isagoo balan qaaday in la gaarsiin doono dadka loogu talagalay dhaqaalahan.

Mareykanka hadda waxaa heysta dhibaatadii caafimaad ee ugu xumeyd muddo qarni ah soo marta, ku dhowaad 523,000 oo qof ayaa u dhintay cudur iyadoo 29 milyan oo kiis laga diiwaan geliyay halka heerka shaqo la’aanta ay mareyso 6.2%.

Waa qorshihii sadexaad oo Mareykanka lagaga dhawaaqo tan iyo markii safmarka dilaacay horaantii sanadkii hore.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: