Antonio Guterres oo markale loo dhaariyay xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

HomeWararka

Antonio Guterres oo markale loo dhaariyay xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres waxaa loo dhaariyay xilli labaad oo shan sano maanta iyadoo ay goobjoog ka ahaayen 193-ka xubnood

MARTISOOR: Prof Juxa Waxqabadkiisa DFS iyo Arrimaha Puntland (dhegayso)
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Wakiilo ka socda Norway kala hadlay doorashooyinka
Madaxweyne Farmaajo oo ugu hambalyeeyey Sanad guurada 77-aad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres waxaa loo dhaariyay xilli labaad oo shan sano maanta iyadoo ay goobjoog ka ahaayen 193-ka xubnood ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Khudbad uu jeediyay Guterres ayuu ballanqaaday markale inuu si hagar la’aan ah ugu shaqeyn doono xilka loo dhiibay.

“Waxaan ku bixin doonaa wax walba oo aan ku xaqiijinayo inuu soo ifbaxayo kalsoonida u dhaxeysa iyo umadaha waaweyn iyo yar yar, si loo dhiso buundooyin, iyo inaan si hagar la’aan ah uga qeybqaato dhismaha kalsoonida,” ayuu Guterres u sheegay Golaha Guud kadib markii loo dhaariyay xafiiska.

15-ka xubnood ee Golaha Ammaanku ayaa horaantii bishaan ku taliyeen in dib loogu magacaabo Guterres. Muddo-xileedkiisa labaad oo bilaabmayaa Jan. 1, 2022.

Guterres wuxuu xilka kala wareegay Ban Ki-moon bishii Janaayo 2017, toddobaadyo uun ka hor markii Donald Trump uu noqday madaxweynaha Mareykanka. Inta badan Guterres xilligiisii ​​ugu horreeyay wuxuu diiradda saaray sidii uu u dejin lahaa Trump, kaasoo su’aal ka keenay qiimaha Qaramada Midoobay iyo dhinacyada badan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: