Soomaaliya & Azerbaijan oo heshiis kala saxiixday

Soomaaliya &  Azerbaijan oo heshiis kala saxiixday

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa dhiggiisa Azerbaijan Jeyhun Bayramov kulan gaar ah kula yeeshay Magaalada Antalya ee Dalka Turkiga.

Labadda Mas’uul ayaa halkaasi uga qeyb gayalaya Shirka Diblomaasiyadda oo Sanadkaan ka dhacaya Magaalada Antalya.

Waxay ay kulankooda diiradda lagu saaray xoojinta cilaaqaadka labada Dal sida uu xaqiijiyay safiirka Soomaaliya u qaabilsan dalka Turkiga.

Waxaa uu tilmaamay Safiir Jamaal Caydiid rajo wanaagsan laga qabo in xiriirka labada dal uu gaaro meel sare .

Xiriirka Dowladaha Soomaaliya & Azerbaijan ayaa soo shaacbaxay 12-kii June 2021 kadib markii Danjire Jaamac Cabdullaahi Caydiid uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalkaas Jeyhun Bayramov.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com