HomeUncategorized

”Anigu ergay ma ahayn laakiin goob-jooge ayaan ahaa, mana ansixin dastuur ku lifaaqan 1 sano oo dheeriya”, Siyaasi Gaagaab.

Gaalkacyo, Jan, 08- M/weyne ku xigeenkii hore ee Puntland Dr, Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo maanta waraysi siiyay radio daljir ayaa sheegay in dawladda m/weyne Faroole uu ku ekaa waqtigeeda xalay maadaamaa hogaanka loo doortay 8dii Janaanyo.

Ra?isal wasaare Shirdoon oo maanta Muqdisho ku daah furay shir-weynaha qaran ee caafimaadka dalka
DHAGAYSO:Barnaamijkii Saaka iyo Dunida_Axad_28
DHAGAYSO: Rag Dhalinyarada ka Tahriibin jiray Puntland oo Bosaaso lagu Soo Bandhigay

?

Gaalkacyo, Jan, 08- M/weyne ku xigeenkii hore ee Puntland Dr, Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo maanta waraysi siiyay radio daljir ayaa sheegay in dawladda m/weyne Faroole uu ku ekaa waqtigeeda xalay maadaamaa hogaanka loo doortay 8dii Janaanyo.
?
Dr, Gaagaab ayaa sheegay in isagu uu ka mid ahaa goob-joogayaashii fadhiday xiligii la ansixinayay dastuurka PL isla markaana meelna uusan ku arag warqad lifaaqa oo dhigaysa hal sanoo danbe inay hogaanka sii hayaan madaxda, siyaasigan ayaa tilmaamay in xukuumaddu ay ku dhaqmayso sharci darro, isla markaana wax walboo dalka ka xumaada ay musuuliyaddeeda qaadi doonto.
?
Gaagaab, ayaa sidoo kale waraysigiisa waxaa uu ku sheegay isimaddu inaysan xaq u lahayn inay ka hadlaan siyaasadda, hase ahaatee ay faraha la soo gali karaan markay timaado xiisad siyaasadeed oo sidan oo kalaa, siyaasigu waxaa uu shaki galiyay hir-galinta urruro uu isagu ku tilmaamay kuwa sharci darro lagu dhisay.
?
Si kastaba siyaasiyiinta ka soo horjeeda waqtiga jiritaan ee xukuumadda hada talada haysa iyo furashada ururada siyaasadeed ayaa cambaarayno iyo dhaliilo saxaafadda gudaha iyo tan dibada ka wadey bilihii ugu danbeeyay, waxaana sidoo kale mararka qaar u jawaaba xubnaha golaha dawladda ku jira qaarkood.
?
Diiwaanka Wararka daljir
Gaalkacyo
(S).

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: