Qoysaska Soomaaliyeed ee Nairobi oo si xawliya dib ugu soo laabanaya dalkooda.

?

Nayroobi, Jan, 09- Goobaha laga raaco basaska u soo baxa dalka Soomaaliya iyo xafiisyada duulimaadka diyaaradaha waxaa toddobaadyadan aad u cariiriyay qoysaska Soomaalida ee doonaya inay dalkooda ku soo laabtaan.
?
Mid ka mida dhalinyarada ku nool xaafadda Islii ee ay Soomaalidu aadka u dagto ayaa daljir u sheegay in maalin walba garoomada diyaaradaha iyo boosteejooyinka gawaarida ay ka soo baxaan qoysas u soo jihaysan Soomaaliya, haba ugu darnaadeen magaalooyinka Kismaayo,Muqdisho iyo Gaalkacyo.
?
Inkastoo qoysaska Soomaaliyeed ay ku gurmayaan dalka ayaa hadana waxaa wali muuqanaysa dhalinyarada oo wali ku dhagan nolosha Nayroobi, waxaana sidoo kale jirta dhalinyaro u jihaysanaysa dalalka kale ee Afrikaankaa si ay oga helaan fursado ka fiican tan horay ay ugu noolaayeen.
?
Soomaalida ku nool Keenya ayaa kuu sheegaya geedigan inaysan Soomaalidu la qabin dadyawga kale ee ku nool dalkaasi ku yaal geeska Afrika, waxaana taasi ay timid ka dib markii m/weynaha DF ee Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud uu Soomaalida ugu baaqay inay dalkooda dib ugu laabtaan maadaamaa uu nabad yahay.
?
Xaafadda Islii iyo deegaano kale oo ka mida Keenya oo horay Soomaalidu ay ugu badnaayeen ayaa hada u muuqanaya kuwo faaruqa.
?
Si kastaba Keenya ayaa ka mida wadamada Afrika ee dadka Soomaaliyeed ay maciin bideen markii ay dhacday dawladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaana jira Soomaali fara badan oo ganacsiyo kala duwan ku leh dalkaasi.
?
Diiwaanka Wararka daljir
Warqabad
(S).

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com