Gudoomiyaha degmada Waaciye oo dhagaxdhigay xarun lagu hormariyo agoomaha(Sawiro)

?

Waciye, 07 – Gudoomiyaha degmada Waaciye ee gobolka Karkaar Dr C/salaan Bashiir C/salaan ayaa maanta dhagax dhigay xarun loogu talagalay in lagu horumariyo agoomaha degmada Waaciye iyo deegaanada kale ee gobolku ka koobanyahay.
?
Xarunta ayaa waxaa ku deeqay Gen. Cali Ismaaciil oo madax u ah hay’ad samafal oo lagu magacaabo Jamciyatu Al-khayriya, taasi oo ka howlgasha Puntland.
?
Munaasbadda xariga looga jarayay dhimaha agoomaha ee degmada Waaciye ayaa waxaa kasoo qaybgalay ganacsato, haweenka iyo bulshada kale duwan ee degmada Waaciye.
?
Gudoomiyaha degmada Waaciye Dr C/salaan Bashiir C/salaan ayaa sheegay xarunta in aad loogu baahnaa deegaanka in laga dhiso.
?
Waxaa uu sheegay inay carruurta agoomaha ka taageeri doonto waxbarashada iyo hoy lacag la’aan ah, sidoo kale waxaa ?uu sheegay dowlada iyo bulshada kale inay ka qaybqaadan karaan caawinta agoomaha.
?
Xarunta dhismaheeda la bilaabay ayaa la filayaa inay ka faa’iidaystaan carruur badan oo agoomo ah kuwaasi oo aan haysan waxbarsho iyo nolol sare.
?
Diiwaanka wararka
Daljir Bosaso.
?
\"\"
\"\"\"\"\"\"\"\"

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com