Amniga Thailand oo si weyn loo adkeeyey

Amniga Thailand oo si weyn loo adkeeyey

Dowladda Thailand ayaa sheegtay in ay soo xireen todobo qof oo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen weerar dhawaan ka dhacay gobolka Yala.

….Koox hubeysan ayaa weerar ku soo qaaday isbuucii la soo dhaafay goob ay ku sugnaayeen ciidamada amniga, waxaa weerarkaasi ku dhintay 15 qof oo uu ku jiray sarkaal sare ayuu yiri afhayeenka ciidanka Pramote Prom Thailand.

Weerarkaasi ayey dowladda ku sheegtay kii ugu xumaa ee ka dhaca wadanka Thailand.

Todobada qof ayaa laga soo qabtay gobolada Yala iyo Pattani, kadib howlgal ballaaran oo ay ciidamo sameeyeen.

Amniga guud ee Thailand ayaa si weyn loo adkeeyey, si looga hortago weeraro kale in ay dhacaan
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com